digg icon delicious icon

Hoteelkii Danwaa ee magaalada Jilib oo gubtay(warbixin+sawiro)

March 1, 2012   //     //   News

Warbixin Kooban oo ku saabsan Gubashada Hotel ka Danwaa ee Jilib

Hotel –ka Danwa ee Jilib oo ah Hotel caan ka ah gobalka Jubbada Dhexe & Jubbada Hoose , lana aasaasay sanadkii 1987-kii  kaasoo ka koobnaa qaybaha jiifka , cuntada iyo qaybo ganacsi; waxaana dayactir  iyo qalabayn xoogan lagu sameeyay sanadkii 2010-kii, kadib markii dhibaato ka soo gaadhay dagaaladii sokeeye, dayactir kaasoo kharash badan ku kacday.

Nasiib daro , taariikhdu markay ahayd 17/02/2012, habeen jumaca ah ayaa waxaa qabsaday hotel-ka dabwayn oo lagu guulaysan waayay in ladamiyo, kaasoo baabiiyay ilaa 14 qol  oo iskugu jira jiif, iyo qaybaha ganacsiga isagoo salfaday dhamaan dhismihii qololkaas,darbiyadii iyo hantidii taalay hotel ka iyo qaybaha ganacsigaba sida tukaamadii iyo pharmacy-yaal  ku yaalay isla dhismaha hotel-ka hotel-ka.

Waxaana warbixintaan ka soo xiganay milkiilaha hotel-ka  Cabdi Khaliif Macallin Maxamuud (Cabdi Goobbe)

hadaba, Hotel kan oo ahaa hotel muhiim ah , islamarkaana ku yaalay meel istaraatiiji ah, waxaa lagama maarmaan ah in dib loo dhiso.  maadaama ay tahay arin musiibo ah oo ku adag  in qof kali ah u istaago dib u dhiska hotel ka, diinteenununa na farayso in layska kaalmeeyo arintan oo kale; waxaan codsi iyo soo jeedinba u soo gudbinaynaa dhamaan cid kasta oo gacan ka gaysan karta sidii dib loogu dhisi lahaa hotel ka inay taageero  soo gaadhsiiyaan, qofba intuu awoodo,waxaan mar labaad si  gaar ah uga codsanaynaa  jaaliyadaha reer dhanaan  ay  kusugan caalamka in arintaas ay u istaagaan kaalin muhiim  ahna ka qaataan sidii loo kaalmeen lahaa  walaalkood .

Hadaba si wax looga qabto arintaan waxaa loo saaray guddi ka kooban 4 qof oo uu ka midyahay milkiilaha hotel-ka, kuwaasoo lagala soo xidhiidhi karo arinnta hotel ka haday noqoto dhaqaale la soo dirayo ama xog dheeraad ah, dhamaan xubnaha gudiga waxay ku sugan yihiin Kismaayo, magacyadooda iyo lambarada laga heli karo waxay ku cadyihiin hoos:

  1. Cabdi      Khaliif   Macallin  Maxamuud ___+252615318111
  2.  Xuseen     Xasan  Qorane……………………      +252615902222
  3. Maxamuud           Qorane      Cabdi…………  +252615161880
  4. Xasan _Nuur         Axmed       Caraale          +252615832502

Waxaadna hoos ka arki kartaan sawiro muujinaya gubashada Hotel ka “DANWAA” ee Jilib

Waxaan idinka rajaynaynaa jawaab wanaagsan iyo taageero  wax ku ool ah

Warbixintan waxaa diyaariyay gudiga kor ku xusan.

mahadsanidiin

 

Readers Comments (0)

You must be logged in to post a comment.